Wararkii ugu dambeeyay ee Boosaaso

Ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay dagaalkii maanta ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Sidoo kale ilaa 2 qof oo shacab ah ayaa dhaawacyadooda la geeyay isbitaallada magaaalada Boosaaso, kuwaas oo waxyeelo ka soo gaartay dagaalka ciidamada Puntland.

Dagaalku wuxuu bilowday kaddib markii ciidamada PSF ay isku dayeen in ay gudaha u galaan garoonka oo loo diiday in ay ka soo degto diyaarad ay wadatay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Xildhibaan Sacdiyo oo waday gargaar yar oo dowladda federaalka Soomaaliya u soo dirtay Puntland, ayaa markii dambe dib ugu laabatay magaalada Muqdisho, kaddib markii diyaaradii ay wadatay loo ogolaaday in ay shidaal ka qadato garoonka Boosaaso, iyadoo aan wax shixnad ah dejin.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa hadda ah kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay dalka ka wada maqan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

PUNTLAND POST