
Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa degmooyin ka tirsan Gobolkaas ka sameeyay hawlgal ka dhan ah Al-shabaab.
Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa qortay in hawlgalkaas laga fuliyay inta u dhexaysa degmooyinka Doolow iyo Luuq oo ka tirsan Gedo.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab hawlgalkaa khasaar xooggan lagu gaarsiiyay islamarkaana looga qabsaday degaano dhawr ah.
Degaannada Al-shabaab laga saaray waxa kamid ah Shaatalow oo u dhexeeya degmada Luuq iyo degaanka Geedweyne sida ay sheegeen saraakiisha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.