Xasan Sheekh oo u safray Ereteriya

Madaxweynaha Dowldda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safar muddo afar maalmood qaadanaya ugu ambabaxay dalka Ereteriya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Ereteriya ayaa la xiriira arrimaha ciidamo Soomaali ah oo labo sano ka hor tababarka loogu qaaday dalkaas, kuwaas oo warar is khilaafsan ka soo baxayeen muddii ay maqnaayeen.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki”.

“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal” ayaa qoraalka lagu daray.

Waa safarkii saddexaad oo madaxweyne Xasan Sheekh dalka dibadiisa ugu baxo, tan iyo markii la doortay ee 15-kii Maajo 2022.

PUNTLAND POST