
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilowga munaasabadda Ciidda Carrafo oo ku beegan Sabtida maanta ah.
Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayuu dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddaas Ciidda.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay dhammaan Soomaalida u direysaa hambalyada ciidda” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Waxa ay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaageysaa Soomaalida dabbaal-degga Ciidul Adxa, iyada oo uu jiro dareen ah dib-u-heshiin, niyad wanaag iyo nabad” ayuu sii raaciyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.