Dabayl xooggan oo ka dhacaya Puntland

Munaasabadda ciidda Carrafo ee sannadkan ayaa ku soo beegantay iyadoo gudaha Puntland ay ka dhacayso dabaysha xagaaga oo saa’id ah.

Dabaysha xagaaga ayaa u dhacaysa si xooggan oo ka duwan sannadihii hore waxaana ay saamayn ku yeelatay isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Dhulka ka baxsan magaalooyinka waaweyn ayaa ugu daran dabayshaas oo wadata boor iyo ciid cas islamarkaana dadka istaaga ka tuuraysa.

Abaaraha iyo dabaysha  ayaa sidoo kale saamaynta ugu badan ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan miyiga.

PUNTLAND POST