Shirkadda Twitter oo tirtiraysa malaayiin akoono oo been abuur ah

Mas’uuliyiinta sare ee shirkadda Twitter-ka ayaa laga soo xigtay in ay maalin kasta tirayaan in ka badan 1 milyan oo akoono been abuur ah.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, ka dib dhaleecayn xooggan oo uga timi maalqabeenka Elon Musk oo doonaya inuu si rasmi ah u dhamaystiro heshiiskiisa uu ku iibsanayo shirkadda Twitterka.

Mr. Elon Musk  ayaa ka biyo diidsan  tirada akoonnada been abuurka ah ee shirkadda u diiwaan gashan, wuxuuna doonayaa in tiradaas wax laga qabto.

Shirkadda Twitterka ayaa ku doodaysa in akoonnada been abuurka ah in ay ka yar yihiin illaa 5%, balse Elon Musk ayaan ku qancin tirokoobkaas isaga oo u arka inay tahay mid aan xaqiiqo ku fadhidin.

PUNTLAND POST