Garoowe (Faallo) — Mid ka mid ah eedeymaha Xildhibaannada barlamaanka Puntland u soo jeediyeen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxay ku saabsan tahay hufnaanta dastuurka Puntland.
Xildhibaannadu waxay ku doodeen in Deni diiday inuu la tashado wadaaddada, oo kaalintoodu tahay bixinta sugnaan ku saabsan shaqsiyadda qofka garsoore ka noqonaya Maxkamadda Sare ee Puntland. Waa ayaandarro haddii eedeynta Xildhibaannadu run tahay.
Haddii Madaxweyne Deni diiday in la hubiyo ku habboonaanta garsoorayaasha magacaaban shaqada, wuxuu Deni isu loogay eedeyn ka weyn tan hadda Xildhibaannadu isaga u soo jeediyeen; waxaa lagu eedeyn karaa inuu jebiyay dastuurka Puntland. Haddii la helo caddeyn in Madaxweyne Deni jebiyay dastuurka Puntland, iscasilaad uun baa u furan.
Waa Maxkamadda Sare hay’adda geli karta dacwad noocan oo kale ah. Maxkamadda Sare hadda may shaqaynayso; waa xaalad sharci oo muujinaysa in Puntland madaxdeedu dan u arkaan sharci-darro.
Waan ku bogaadinayaa barlamaanka Puntland ku dhaca ay muujiyeen si ay u iftiimiyaan qodobbada ay la tahay inuu Madaxweyne Deni ku tuntay.
Puntland Waxay maraysaa marxalad kala guur — bil kaddib waa sanadguurada 24aad ee asaaskii Puntland; 18 bilood ayaa ka dhiman muddo xileedka maamulka Deni; geeddi-socodkii dimuqraaddiyeyntu wuu hakaday. Ilaa hadda ma cadda kooxaha hortaagan in awood-daadejin dhab ah ay Puntland ka dhacdo.
Madaxweyne Deni waxaa lagu eedeeyey inuu ex siyaasadeed u doondoonayay ururka Kaah. Eedda caddeynta lihi waa inuu Deni ka gaabiyay inuu iskugu yeero ururrada siyaasadda si loo dardargaliyo geeddi-socodka dimuqraaddiyeynta. Deni tamar iyo raasumaal siyaasadeed ayuu Muqdisho inuu isbeddel ka dhaco ku bixiyay. Wuu ogaa in guuldarradiisu isu beddeli karto awood-darro Puntland dhexdeeda. Tani waa guul marka la eego isla xisaabtanka barlamaanka Puntland uu u guntaday.
Awoodda oo loo daadeejiyo goboladda iyo degmooyinka si doorasho ay u dhacdo 2023ka waxay noqon kartaa guul uu Madaxweyne Deni gaaray. Ciyaari waa gelin dambe.
Maqaalkan waxaa qoray qareen codsaday in magaciisa aan la sheegin.
You must be logged in to post a comment.