Al-shabaab oo beenisay hadal uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Ururka Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo ahaa in Al-shabaab ay maalgeliyaan ururro ka dagaallama Mozambique iyo Nigeria.

Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in hadalkaas uu yahay mid lagu qoslo islamarkaana aysan waxba ka jirin in Al-shabaab  maalgeliyaan ururro ka dhisan Mozambique iyo Nigeria.

Hadalkaas ayaa sidoo kale kooxdu ku tilmaantay mid lagu qarinayo karti-xumada iyo waxqabad la’aanta dowladda Xasan Sheekh oo wax u qaban weyday malaayiin Soomaaliyeed oo la tabaalaysan abaaro ba’an.

Al-shabaa ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku eedaysay in uu fulinayo qorshe midaysan oo Itoobiya Imaaraatiga Carbeed iyo Turkigu ku doonayaan boobka dhulka iyo hantida Soomaaliya.

PUNTLAND POST