Warbixin laga soo saaray xaaladda abaaraha Puntland

Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland ayaa warbixin ay maanta soo saartay kaga hadashay xaaladda abaaraha deegaanada Puntland.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in gobolada Bari, Gardafuu, Sanaag, Mudug, Nugaal, Cayn, Haylaan iyo dhammaan deegaanada dhaca xeebaha ay ku jiraan xaalad abaareed oo aad u-darran.

Abaartu ayaa aad u saamaysay nolosha dadka reer miyiga ah, barakacayaasha, xoola-dhaqatada, kaluumaysatada iyo beeralayda, sida lagu xusay warbixinta.

Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland, waxay soo jeedisay in biyo-dhaamin deg-deg ah iyo daawooyin la gaarsiiyo dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.

PUNTLAND POST