Boosaaso (Faallo) — 30 sano ka hor maanta dagaalkii Itixaad iyo SSDF baa gabogabo ahaa. Jeneraal Siciid Dheere wuxuu dhowaan ku dooday in Al Itixaad mas’uul ka tahay unkidda urur diimeed xagjir ah — Al-shabaab. Hubaysnaan way wadaageen laakiin Al Itixaad ma yeelan awood ay ku sii dagaallami kartay.
20 sano ka hor Puntland waxay samaysay hay’ad nabadsugid (Puntland Intelligence Service) oo ku salaysnayd la toloobidda dalalkii waday wax loo yiqiin dagaal ka dhan ah argagixisada (war or terror). Lacag jacayl uun baa Puntland madaxdeedii ku kalliftay inay dadkooda ku suntaan “argagixiso”. In maanta Puntland leedahay ciidan beeleed dal shisheeye uu hubeeyay, ciidankaas oo ka madaxbannaan Puntland, kama qarsoona Siciid Dheere. Sidoo kale in kheyraadka badda ee Puntland loo loogay shirkado shisheeye oo lacag siiya siyaasiyiin reer Puntland ah waa sir bannaanka taalla.
Haddii qaar ka mid ahaa Al Itixaad ay u leexdeen ganacsi waxay mudan yihiin dhiirrigelin. Way ogaadeen in colaad diimeed aan laga dhex aloosi karin dhulka markii dambe loo bixiyay Puntland. Siciid Dheere tilmaanta uu ka bixiyay xubnihii hore ee Al Itixaad may aha mid wada khaldan. Qaar saraakiil ururkaas u ahaa ayaa siyaasadda si toos ah ama si dadban ugu jira, kuwaas oo loo aanaynayo inay leeyihiin awood siyaasadeed oo ay ku adeegtaan si ay uga lacagaystaan hantida dadweynaha.
1992kii bishii Luulyo qofkii joogay Boosaaso ama Garoowe uun baa xusuusan kara sida xaalladdu ahayd: Gaalkacyo furin bay ahayd; Boosaaso waxaa isku hor fadhiyay Al Itixaad iyo SSDF; Koonfurta Soomaaliya waxaa ka taagnayd macaaluul ay ciidammadii Jeneraal Caydiid iyo Axmed Cumar Jees sababeen markii ay u fasaxeen Mooryaanta inay boobaan sahaydii gargaar loogu talagalay dadka macaluushu saamaysay.
Maanta abaar ba’an ayaa Puntland ka taagan. Ilaa hadda siyaasiyiinta Puntland ma garan in muddo la lunsanayay wixii wax loogu qaban lahaa dadka ku tabaaloobay abaarta. Dad badan baa taageersan kooxaha xagjirka ah waayo siyaasiyiinta ayaa hortaagan fursadaha nolosha ee dhallinyarada. Xagjirnimo ama tahriib ayay dhallinyaradu kala doorataa.
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, Puntland Post marnaba masuul kama aha aragtida dad kale.
You must be logged in to post a comment.