Madaxweyne Xasan oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa booqday dugsiga tababarka kumaandooska dalkaas ee Isparta, halkaas oo lagu tababaro ciidamo ka mid ah kumaandooska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsigan, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan qado ah la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda cusub ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Booqashadan waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Xuseen Macallin Maxamuud, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid, u qaybsanaha Arimaha Ciidamada ee Safaarada Somaliyeed ee dalka Turkiga Janaraal Maxamed Maxamuud Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST