Degaan ka tirsan Puntland oo qarka u saaran in uu xabaalmo kadib markii bacaad qariyay

Degaanka lagu magacaabo Dhinowda oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa qarka u saaran in uu xabaalmo kadib markii bacaad qariyay.

Dabaysha xagaaga oo si xooggan uga dhacaysa halkaas ayaa uga sii dartay xaaladda degaankaas uu bacaadku qariyay.

Abaarta iyo biya la’aanta ka jirta degaanka ayaa sidoo kale u dheer dabaysha xagaaga iyo bacaadka qariyay guryaha.

PUNTLAND POST