Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya mas’uuliyiinta wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Baarlamanka Puntland ayaa maanta la xisaabtamaya mas’uuliyiinta wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Maxjarada.

Wasiirka cusub ee Xannaanada Xoolaha Maxamed Cabdullaahi Axmed Libaaxe oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta kale ayaa lagu wadaa in uu saaka hortago Baarlamanka.

Wasiir Libaaxe ayaa xildhibaannada Baarlamanka uga warbixin doona waxqabadka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo qorshayaasheeda.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale wasiirka su’aalo ka weydiin doona mas’uuliyadda uu bulshada u hayo iyo dhaliilaha ka jira wasaaradda.

PUNTLAND POST