Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Turkiga, waxaana soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada Turkiga Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo diblomaasiyiin.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxayna ka wadahadali doonaan adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga ay labada dal wadaagaan.

Madaxweyne Xasan inta uu ku guda jiro booqashada dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonaa bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda iyo ganacsatada.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST