Xildhibaano ka tirsan Puntland oo riixaya in la baabi’iyo kiiska geed-quwaaxa

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ay wadaan abaabul ku jihaysan baabi’inta kiiska geed-quwaaxa ee garsoorka horyaalla.

Garsoorka ayaa wajahaya culays kaga imaanaya xildhibaannada qaarkood oo doonaya in la baabi’iyo kiiska geed-quwaaxa sida ay wararku xaqiijinayaan.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa in ay jiraan xildhibaanno ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa oo riixaya in meesha laga saaro kiiskaas.

Xildhibaannada diiddan kiiska geed-quwaaxa ayaa sidoo kale wada abaabul ka dhan ah ansixinta mas’uuliyiinta garsoorka ee magacaaban.

Dacwadda Kiiska geed-quwaaxa ayaa lagu wadaa in mar kale loo fariisto Isniinta soo socota inkastoo uu jiro culayska ka imaanaya xildhibaannada Baarlamanka qaarkood.

PUNTLAND POST