Puntland oo lagu dhaco adeegsiga Internet-ka ee .SO iyo adeegyada teknolajiyadda

Xagee Puntland ku ogtahay lacagta ka soo xeroota magaca Soomaaliya ee internetka?

Waxaa soo badatay in dad ku qaraabta magaca Puntland ay lunsadeen lacag tiro badan oo loogu talo galay in lagu hormariyo dhinaca adeegsiga baraha internet-ka iyo teknolajiyadda si loo gaarsiiyo shacabka Puntland adeegyada dawladda gaar ahaan wararka rasmiga ah ee hay’adaha dawladda iyo kor u qaadidda xiriirka bulshada.

Waxaa jirta in Puntland lagu soo wareejiyey sanadkii 2020 adeegsiga magaca pl.so oo ah qaybta ay ku lahayd magaca waddanka Soomaaliya ee dhinaca Internetka .SO (country code Top-Level-Domain-ccTLD). Ujeedka laga lahaa wareejinta magaca pl.so waxay ahayd in Puntland adeegsato magaceeda dhinaca internet-ka si loogu garto boggaga hay’adaha dawladda Puntland.

Tusaale wasaaradaha Puntland waxaa loo soo gaabiyaa magacyo qalaad sida MOEHE (ministry of education & higher education) markaas wuxuu magaca noqonayaa (domain name) moehe.pl.so sidaa awgeed hay’ad kasta oo Puntland ah waxay qaadanaysaa magaca pl.so.

Hadaba waxaa jira in dawladda federaalka Soomaaliya oo ay hoos timaado hay’adda u qaabilsan magaca internet-ka Soomaaliya lana yiraahdo SONIC (Somali Network Information Centre) ay heshay lacag loogu yaboohay in dhinaca adeegsiga internet-ka ee hay’adaha dawliga ee heer federaal iyo heer maamul goboleed lagu gaarsiiyo adeegsiga internet-ka dalka oo dhan.

Lacagta yabooha ah waxay ka kala timid hay’adaha dawladda Soomaaliya taageera sida World Bank, Midowga Yurub iyo African Development Bank. Lacagta laga hadlayo waa lacag kor u dhaafaysa 20 ilaa 30 milyan oo doolar muddo 4 sano ahna loogu talo galay in lagu isticmaalo laguna hormariyo adeegsiga teknolajiyadda ee deegaanada kala duwan ee Soomaaliya ayna ku jirto Puntland.

Waxaa dhamaan lala wareegay boggagii internet-ka ee hay’adaha Puntland, iyada oo loogu gabanayo waxaan idiinku samaynaynaa oo idiinku keydinaynaa (hosting) si bilaash ah, waxaana sida Puntland Post ogaatay lacagta halkii bog lagu bixinayo ama lagu qaadanayo ay ka badan tahay $1,500 oo doolar sanadkii, halka markii hore shirkadaha teknolajiyadda ee Puntland jooga ugu hayeen ama ugu hosting gareyn jireen in ka yar $200 oo doolar sanadkii.

Xagee martaa lacagta boggaga internet-ka Puntland?

Baaritaano aan samaynay waxaan ogaanay in lacagta loogu talo galay dawladda Puntland ee dhinaca internet-ka ama boggaga internet-ka ay qaataan shirkaddo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho oo ay iska leeyihiin dad ka agdhow dawladda federaalka.

Dowladda Puntland waxaa wakiil uga ah dhinaca teknolajiyadda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Isgaarsiin iyo Teknolajiyadda, taas oo sida muuqata qayb ka ah mashruucan amase laga yaabo inaysan warba ka hayn.

Wasaaradaha qaarkood waxay noo sheegeen inaysan garanayn meesha lacagta boggagooda lagu bixinayo ka imanayso ama inta ay soconayso sidoo kale aysan aqoon lacagta boggooda lagu dalaco ee magacooda lagu isticmaalo inta ay leegtahay iyo cida qaadata.
Waxaan kaloo ogaanay in hay’addo badan loo diiwaan geliyey magacyo loona sameeyey bogag internet oo aysan isticmaalin warna ka hayn taas oo muujinaysa heerka lunsiga dhaqaale ee qolyaha dhaca ku haya dhaqaalaha loogu talo galay teknolajiyadda Puntland.

Waxaa hubaal ah in ay muuqato dayac badan oo ka jira dhinaca isku xirka adeegsiga teknolajiyadda ee dawladda Puntland iyo hay’adaha kala duwan ee dhaqaalaha ku bixiya dhinaca teknolajiyadda ama waxa loo yaqaan ICT (Information Communication Technology).
Sidoo kale waxaa jirta fahan la’aan dhinaca saameynta internet-ka ee dhaqaalaha, siyaasadda, horumarka dalka, shaqa abuurka dhalinyarada iyo weliba kobcinta ganacsiga ku dhisan teknolajiaydda cusub ee deegaanada Puntland.

Hadaba waxaa la gudboon dowladda Puntland in ay dabagal ku samayso meesha lacagaha teknolajiyadda loogu talo galay ee Puntland ku baxdo iyo weliba qaybta dawladda Puntland ku leedahay lacagta ka soo xeroota iibinta .SO.

PUNTLND POST