Markab 12 beri taagnaa badda oo ku soo xirtay dekedda Boosaaso

Xilli ay deegaannada Puntland ka jirtay baahi shidaalka noocyadiisa kala duwan ah, ayaa caawa dekedda magaalada Boosaaso waxaa ku soo xirtay markab sida shidaal badan.

Markabkan ayaa 12 beri taagnaa badda, kaddib markii uu dekedda Boosaaso ka waayay meel uu kaga xirto, taas oo sababtay in sicirka shidaalka uu kor u kaco deegaannada Puntland.

Markabka markii uu soo xirtay waxaa dekedda buux-dhaafay gaadiidka shidaalka qaada, kuwaas oo shidaalka u kala daabulaya gudaha magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad mashquul u ahayd, waxaana ka dhoofayay xoolo loo iibgaynayay dalalka Carabta.

Dekedda Boosaaso oo hal markab wax ka badan uusan ku soo xiran karin, waxaa 2017 heshiis ballaarin lagula galay shirkadda DP World, taas oo illaa hadda aan wax ka qaban.

PUNTLAND POST