Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya Wasaaradda Kalluumeysiga

Mas’uuliyiinta u sarraysa Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa Saaka oo Sabti ah looga yeeray Xarunta Baarlamanka halkaas oo muddooyinkii dambe uu ka socday La-xisaabtanka Xukuumadda.

Madaxda Wasaaradda ayaa Xildhibaannada Baarlamanka u jeedin doona warbixin ku saabsan Shaqada ay Wasaaraddaas u xil-saarantahay iyo wixii u qabsoomay.

Intaas kadib ayaa lagu wadaa in Madaxda Wasaaradda ay Xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyaan Mas’uuliyadda ay u hayaan Shacabka Puntland gaar ahaanna meelaha dhaliishu ka jirto.

PUNTLAND POST