
Baarlamanka Puntland ayaa maanta loo gudbiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadkii tegay ee 2021.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cumar Xasan Fiqi ayaa Baarlamanka u gudbiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad-sannadeedka 2021.
Wasiir ku xigeenka ayaa xildhibaannada Baarlamanka u akhriyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda oo uu ka muuqdo isu dheelli-tirnaan la’aan dhinaca dakhliga iyo kharashka baxay.
Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybiyay Xisaab-xirka oo daabacan si ay u soo akhriyaan kadibna dood uga yeeshaan kulamada danbe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.