Puntland: Shan degmo ayaa laga dabar-jaray xanuunka duumada

Shan degmo oo ka tirsan Puntland ayaa laga dabar-jaray xanuunka duumada, sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in xanuunka duumada laga dabar-jaray degmooyinkaas, oo ay ku jirto caasimadda Garoowe.

“Degmooyinka Garowe, Eyl,Burtinle, Galdogob iyo Bandarbayla, waxay hada ugudbayaan wajiga ciribtirka cudurka malaariyada” ayuu yiri wasiirka

Wasiirka ayaa sidoo kale raja fiican ka muujiyay in magaalooyinka kalena lagu guulaysan doono dabar-goynta xanuunkaas duumada.

PUNTLAND POST