Mas’uuliyiinta u sarraysa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo Baarlamanka looga yeeray

Mas’uuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa saaka looga yeeray Baarlamanka si loola xisaabtamo.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha wasaaradda  ayaa hadda ku sugan xarunta Baarlamanka.

Xildhibaannada ayaa wasiirka ka dhegaysanaya warbixin ku saabsan shaqada wasaaraddiisa waxaana intaas kadib xildhibaannadu su’aal ka weydiin doonaan arrimahaas.

Kulanka maanta waxaa sidoo kale ku sugan warbaahinta oo tebinaysa la-xisaabtanka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

PUNTLAND POST