Saleebaan Y. Cali Koore oo soo jeediyay in dib u habayn amni laga hirgeliyo Laascaanood

Saleebaan Y. Cali Koore: “Ilaa 2013kii ayaan ka hadlayay xaaladda amniga Laascaanood. Dilalkii aan la aqoon cidda geysata way sii kordheen.”

Laascaanood (Wararka PP) — Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa soo jeediyay in xalka sugidda amniga Laascaanood uu ku xiran yahay dib-u-habayn amni oo ka dhacda Laascaanood. “Ilaa 2013kii ayaan ka hadlayay xaaladda Laascaanood. Dilalkii way sii kordheen, oo hadda maba la yaqaan kuwa dilalka geysanaya. Cabsi weyn baa ka jirta Laascaanood waayo ciidanka amniga Laascaanood ku sugan badankoodu waa ciidan beeleedkii 10 sano ka hor joogay” ayuu Saleebaan yiri isagoo la hadlayay odayaal reer Laascaanood oo ka codsaday in maamulka Somaliland wax ka qabto nabadgalyo-darrada taagan.

Sanadkii 2013kii ayuu Saleebaan isagoo Hargeysa jooga ku eedeeyay maamulkii Madaxweyne Siilaanyo inuu ka dambeeyay dilalka ka dhacay Laascaanood. Nin ka tirsan maleeshiyada Mahad Cambaashe ayaa si ula kac u dhaawcay Ina Cabdi Timir oo aan waxba ka galabsan. Saleeban wuxuu xilligaas soo gudbiyay tirada dadka lagu dilay iyo dadka laga dhaawacay Laascaanood.

Toban sano kaddib maleehsiyo beeleed sharciga ka sarreysa kuna sugan Galbeedka Laascaanood ayuu maamulka Somaliland lacag ku siiyaa inay ku sii martigeliso Sool, maleeshiyadaas oo meesha ka saartay maleeshiyo beeleed uu Axmed Cabdi Xaabsade watay markuu Laascaaood ka saaray maamulka Puntland isagoo kaashanayay cutubyo ka tirsan ciidan beeleedka Somaliland sanadkii 2007.

Tan iyo 2013kii Saleebaan Yuusuf Cali Koore uun baa si geesinimo leh uga dhiidhinayay amnidarrada ka taagan Laascaanood.

Cabsi ayaa soo foodsaartay dadka uga shaqeeyaa maamulka Somaliland magaalada Laascaanood, sidoo kale odayaasha ka hadla xafladaha maamulka gobolku abaabulo ayay kooxo aan la garanaynin uga digeen barakaynta wax ay ugu yeereen dadka ka horjeeda qarannimada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta beesha Dhulbahante ku sugan Hargeysa ayaa isku raacsan in hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyada Mahad Cambaashe oo gebi ahaanba ka madaxbannaan taliska Jeneraal Taani, waana, sida ay sheegeen dad u dhuundaloola xaaladaha amni gobolka, waxaa aad ugu adag Hargeysa inay ku qanciso Ina Cambaashe inuu koox beeleedkiisa hubaysan hoosgeeyo maamulka Somaliland maaddaama uu isagu u arkay ciidammada Somaliland kuwo isaga ka difaacaya weerar Puntland kaga iman kara.

“Kama fursanayso in si dhab ah looga wada hadlo amnidarrada Laascaanood oo ka soo jeedda sharcidarrada maleeshiyo beeleedka Ina Cambaashe. Saleebaan Yuusuf Cali Koore wuxuu ku fikrad dhow yahay Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada, oo isagana rumeysan in dib u habayn amni oo dhaammaan dadka Laascaanood ku kalsoon yihiin laga hirgeliyo Sool. “Shanta galabnimo ayaan seexdaa. Habeenkii Laascaanood kooxo kale ayaa ka taliya” ayuu yiri nin ka tirsan Golaha Deegaanka Laascaanood.

© Puntland Post, 2022