Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wixuuna Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Xukuumadda, isaga oo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, shaqadii uu ka soo qabtay dalka muddadii uu hayey xilkaas, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka oo caqabado badan soo maray.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa muujiyey kalsooni ku aaddan howlwadeennada xafiiska, waxa uuna ku adkeeyey in ay dardar geliyaan shaqadooda, si loo xoojiyo wada-shaqeynta Xukuumadda iyo isku xirnaanta hay’adaha.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kuxigeennadooda, Golaha Wasiirrada, Hanti-dhowrka guud, iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

PUNTLAND POST