Muxuu ahaa gargaarkii ay dowladda federaalku keentay Puntland?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor Puntland u soo dirtay diyaarad sidda 300 oo kartoon oo raashin ah, waxaana loo soo dhiibay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay Puntland.

Raashinka ayaa ka koobnaa 100 kartoon oo timir ah iyo 200 oo kartoon oo kartoon-kiiba ku jiraan 15 kiilo oo bariis ah iyo 2 qasacadood oo fuul ah (digir), waxaana qiimihiisa lagu qiyaasay $4,000 (afar kun oo doolar), taas oo wax badan ka yar kirada Muqdisho looga soo qaaday.

Sida ay ogaatay Puntland Post, Wasiirka Gargaarka iyo Masiibooyinka Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo dhawaan Muqdisho tagay ayaa diiday inuu 300 kartoon ee raashinka ah u soo qaado Puntland, kaddib markii ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Gargaarka Federaalka isku fahmi waayeen saamiga ay Puntland ku leedahay gargaarka lagu bixiyo magaca Soomaaliya.

Gargaarka yar ee Puntland la keenay waxa uu ka mid ahaa gargaar kala duwan oo ay dalalka Carabta muddooyinkii dambe keenayeen Muqdisho, si loo gaarsiiyo dadka abaaraha ku barakacay. Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay ka jirto abaar sababay barakaca dad badan oo reer guuraaya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dhawaan sheegay inuu jiro raashin gargaar loo keenay oo bilaha soo socda dhacayo, welina uu ku jiro bakhaaro ku yaalla Muqdisho iyo kuwo muddo ku xaniban garoonka iyo dekedda, iyadoo ay dalkana ka jirto baahi weyn oo loo qabo deeqahaas.

PUNTLAND POST