Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Boosaaso ka wada maxkamadaynta dad loo haysto Al-shabaab iyo Daacish

Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka bilowday Barnaamijka lagu magacaabo Af-meer ee la-dagaallanka Al-shabaab iyo Daacish.

Barnaamijka oo todobaadkan bilowday ayaa lagu wadaa in uu soo bandhigo shabakado kala duwan oo ku eedaysan kooxahaas.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa la filayaa in ay dhowaan ka soo muuqdaan shabakadahan oo loo haysto dilal iyo qaraxyo ka dhacay Boosaaso.

Barnaamijkan ayaa horay looga sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaas oo ay ka dhici jireen dilal iyo qaraxyo joogto ah.

PUNTLAND POST