Shabakado ka tirsan Al-shabaab oo mar kale lagu qabtay Boosaaso

Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay saddex shabakadood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jirto shabakaddii Sakawaadka ururkaas.

Dhammaan shabakadahan ayaa dhowaan ka soo muuqan doona maxkamad sida ay wararku sheegayaan.

Laamaha Amniga ayaa sidoo kale shalay maxkamadda Ciidamada hor-geeyay shabakad ku eedaysan Al-shabaabnimo kuwaas oo lagu wado in maanta xukun lagu rido.

PUNTLAND POST