Xoolo lagu qiyaasay 70,000 kun oo xalay ka dhoofay dekedda Boosaaso

Xoolo lagu qiyaasay in ku dhow 70,000 kun oo neef ayaa xalay ka dhoofay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo booqday dekedda ayaa sheegay in xoolahan loo iib-gaynayo dalalka Cummaan, Baxrayn, Imaaraatiga Carbeed iyo Sacuudiga.

Xoolahan oo ay sidaan hal markab iyo saddex doonyood, kuna wajahan dalalka Carabta ayaa gelinkii danbe ee xalay ka baxay dekedda Boosaaso.

PUNTLAND POST