Puntland ayaa lagu wadaa in ay maanta bilowdo maxkamadaynta shabakad ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan amiiro sare kuwaas oo lagu qabtay Gobolka Bari gaar ahaanna magaalada Boosaaso.
Wararku waxay sheegayaan in shabadda la hayo ay ku jiraan qaar kamid ah Amiiradii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Bari oo lagu qabtay hawlgallo qorshaysan.
Qaraxyo kala duwan iyo dilal ka dhacay Boosaaso ayay ku eedaysan yihiin shabadda gacanta lagu hayo sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.
PUNTLAND POST