Puntland oo bilowday maxkamadaynta shabakad loo haysto A-shabaabnimo

Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo oo loo haysto dilal iyo qaraxyo kala duwan maanta la hor-keenay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland xarunteed Boosaaso.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa maxkamadda ka hor akhriyay gal-dacwadeedka laga diyaariyay eedaysanayaasha iyo caddaymaha loo hayo kiiskooda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhegaysatay jawaabta qareennada difaacaya eedaysanayaasha iyo doodda ay ka celinayaan gal-dacwadeedka xeer ilaalintu soo gudbisay.

Kiiska ayaa lagu wadaa in mar kale berri la dhegaysto islamarkaana ay warbaahintu goob-joog ka noqoto.

PUNTLAND POST