Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Qardho ayaa laga sugaya maanta in ay xukun ku riddo shan nin oo ku eedaysan dilkii marxuum Sharma’arke Warsame Nuux oo ahaa maxbuus lagu dhex dilay xabsiga Qardho.
Fadhiyadii hore ee maxkamadda ayaa xeer ilaalintu ka caddaysay in dhammaan shanta eedaysane qiraal ku yihiin dilkii marxuumka waxaana maxkamadda la hor-keenay caddaynta laga hayo eedaysanayaasha.
Qareenka u doodaya eedaysanayaasha ayaa marar kala duwan codsaday in dib loo dhigo dhegaysiga dacwadda kiiska si uu wakhti ku filan u helo taas oo keentay in dhawr jeer dib loo dhigay kiiska.
PUNTLAND POST