Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Qardho ayaa haatan ku dhawaaqday xukunka shan nin oo ku eedaysan dilkii maxbuus Sharma’arke Warsame Nuux.
Shanta eedaysane oo dhammaantood qiraal ku ah dilkaas ayaa maxkamaddu ku xukuntay min saddex sano oo xabsiya iyo in ay bixiyaan magta marxuumka oo u dhiganta 100 halaad.
Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in dilka dhacay uu ahaa “ kas u’eke” sidaas darteedna loo khafiifiyay xukunka maxkamadda.
Balse qoyska dhalay marxuumka ayaa rafcaan ka qaatay go’aanka maxkamadda oo ay ku tilmaameen mid aan caddaalad ku dhisnayn.
PUNTLAND POST