
Taliska Booliiska Puntland ayaa maanta war ka soo saaray xaaladda guud ee Amniga iyo hawlgallo ciidan oo ka socda caasimadda Garoowe.
Af-hayeenka Booliiska Puntland Col. Xasan Cabdullaahi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee Amniga Puntland gaar ahaanna magaalada caasimadda ah.
Af-hayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay dhacadii shalay lagu dilay Taliyihii saldhiga degmada Qardho Dhamme Cumar Hiirad Kaarun taas oo gacanta lagu hayo rag ku eedaysan.
Col. Xasan ayaa sheegay in qaar kamid ah ragga ku eedaysan dhacdadaas ay ka tirsan yihiin hay’adaha dowladda islamarkaana ku lug-leeyihiin isticmaalka maandooriyaha khamriga.
Halkaan ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.