Xamse Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Muuqaal: Shirka jaraa’id ee lagu shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha

Madaxweynaha dowladda federaalla Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmamuud ayaa Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo laga soo doortay dowlad goboleedka Jubaland.

Xamse Cabdi Barre wuxuu 1970kii ku dhashay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose. Waxbarashadiisa aasaasiga ah ayuu ku qaaday gudaha dalka Soomaaliya.

Jaamacadda heerka koowaad (BA) ayuu kusoo dhigtay Yemen, halka heerka labaad (MC) uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysiya.

Wuxuu barre jaamacadeed ka soo noqday Muqdisho, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa asaasayaasha jaamacadda Kismaayo.

Xamse wuxuu ka mid ahaa xisbiga UPD ee asaasay Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna mar ka ahaa Xoghaye.

PUNTLAND POST