Taliyihii Saldhiga degmada Qardho oo la dilay

Alle ha u naxariistee Taliyihii saldhiga degmadda Qardho Cumar Hiirad Kaatun ayaa saaka kooxo hubeysan oo cabtooy ah ay ku dileen magaaladda Qardho.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka marxuunka inkastoo uusan faahfaahin dheeriya ka bixin sida wax u dhaceen.

Wararku waxay sheegayaan in Laamaha Amniga Gobolka Karkaar ay ku daba jiraan kooxihii Cabtooyda ahaa ee dilkaas fuliyay islmarkaana aan weli gacanta lagu dhigin.

PUNTLAND POST