Kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka Puntland oo saaka furmaya

Kal-fadhiga 50aad ee Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu si rasmiya u furmo saaka oo ku beegan 15-ka June 2022.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida dastuuriga ah furi doona kal-fadhiga waxaana uu ka jeedin doonaa khudbad ku saabsan waxqabadkii xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filayaa in uu khudbaddiisa kaga hadlo xaaladda Puntland iyo guud ahaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaanna dowladda Federaalka ee dalka.

PUNTLAND POST