Ra’isal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in dowladda Faderaalka ee Itoobiya ay dhistay guddi wadahadallo la fura xoogagga gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalkaas.
Dagaalka ayaa ka qarxay Tigray bishii November ee sanadkii 2020, wuxuuna ku faafay gobollada deriska ah ee Canfarta iyo Axmaarada snadkii hore, laakiin dagaalka ayaa yaraaday tan iyo markii dawladda federaalku ku dhawaaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo oo hal dhinac ah bishii Maarso.
Abiy ayaa u sheegay baarlamaanka Itoobiya “Marka ay timaaddo nabadda, waxaa la sameeyay guddi wadaxaajood, waxaana wadaxaajoodku u baahanyahay shaqo badan, guddi ayaana loo saaray daraasad ku sameyn doonaan sida loo wadahadli karo”
Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen uu hoggaaminaayo guddigan, kaasoo qaadan doona 10 ilaa 15 maalmood, si ay uga soo baaraandegaan waxyaabaha laga wadaxaajoon doono.
PUNTLAND POST