Dowladda Maraykanka oo shaacisay saddex arrimood oo ay ka caawinayso Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa ka warbixisay safarkii ay kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka u qaabilsan dhinaca siyaasadda Victoria Nuland ay ku tegtay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha debedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda ee dhinaca siyaasaddu ay la wadaagtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay dowladda Maraykanku diyaarka ugu tahay in ay Soomaaliya ka caawiso dhinaca ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha dib u habaynta.

“Kaaliyaha xoghayaha guud waxay sidoo kale u muujisay [madaxweynaha Somalia] sii wadidda taageerada Maraykanka ee dedaalada ladagaalanka argagixiasada ee ay hormuudka u yihiin Soomaaliya iyo Midawga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda.

Sidoo kale, kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda ee dhinaca siyaasadda ayaa intii ay joogtay Muqdisho waxay kulan la qaadatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dhinaca gurmadka abaaraha iyo weliba hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda cuntada adduunka ee WFP, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO iyo hay’adda UNICEF.

PUNTLAND POST