Dabley hubaysan oo 55 qof ku dilay dalka Burkina Faso

Mas’uuliyiinta dalka Burkina Faso ayaa sheegay in dabley hubaysani ay woqooyiga dalkaas ku dileen illaa 55 qof, ka dib weeraro iyo rabshado beryahan ka dhacayey dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika, taas oo loo aanaynayo inay ka dambeeyaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee halkaas ka dagaalama.

Afhayeen u hadlay dawladda ayaa sheegay in dableyda weerarka geysatay ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Seytenga ee ku taalla gobolka Sano.

Inkasta oo aanay jirin koox sheegatay weerarka lagu dilay 55-ka qof, haddana waxaa la aaminsan yahay in dableyda weerarka geystay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama gobolkan gaar ahaan kuwa xidhiidhka la leh ururada Al-Qaacida iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo beryahan ugu dambeeyey weeraro joogto ah ka geysanayey dalka Burkina Faso.

PUNTLAND POST