Qareen lagu maxkamadaynayo lunsiga hanti Soomaaliyeed oo gorgortan kiis gali raba

Jeremy Wyeth Schulman wuxuu ku doodi rabaa in lacagta uu la haray tahay khidmadiisa.

Washington (Wararka PP) — Jeremy Wyeth Schulman, oo ah qareen Maraykan ah oo lagu maxkamadaynayo lunsashada hanti Soomaaliya leedahay, ayaa doonaya inuu dacwad oogayaasha la galo gorgortan inuu runta sheego si ciqaabtu ugu yaraato haddii dambigu ku caddaado. Weli lama shaacin taariikhda maxkamadayntu dhacayso inkastoo la cayimay garsooraha dacwada qaadi doona.

Dowladdii Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 2013kii u xilsaartay Jeremy inuu soo ogaado soona qaado lacagaha Soomaaliya kaga yaalla bangiyo kala duwan. Jeremy wuxuu sheegay inuu haystay fasax uu lacagta Soomaaliya ku soo qaadi karo marka uu helo.

Ma jirin baahi maamul oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qabay doonashada lacag Soomaali wada leedahay.

Qareenku wuxuu ku dooday in dowladda Soomaaliya u oggolaatay khidmad laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh dowladdii uu hoggaaminayay marnaba lama wadaagin guddiga maamulka maaliyadda xaddiga khidmadda la siiyay Jeremy iyo in qareenku keenay lacagta Madaxweyne Xasan Sheekh dhigay bangi ku yaalla Turkiga ama in wakiillo kale ay soo heleen lacagtaas meesha ay tiil.

Haddii Jeremy ku doodo in lacagta uu lunsaday ay khidmaddiisa tahay waxaa lagama-maarmaan noqon doonta in wakiil ka socda dowladda federaalku tago maxkamadda si uu u taageero ama uga hor yimaado doodda uu Jeremy gorgortan kiiska (plea bargain) kula galayo dacwad oogayaasha si uu isu badbaadsho ama ciqaabta looga khafiifiyo.

Garsoore Paula Xinis ayaa qaadi doonta dacwada ku saabsan lunsashada hanti Soomaaliyeed oo uu Jeremy Wyeth Schulman ku eedeysan yahay.

Sanadkii 2020kii ayaa Jeremy lagu soo oogay dacwad ku saabsan lunsashada hanti qaranka Soomaaliyeed leeyahay. Dowladda federaalka oo kaashanaysa daahfurnaan la’aantii barlamaankii 2012-2017, uu Maxamed Sheekh Jawaari guddoomiyaha u ahaa, ayaa ku dhaqaaqday tallaabooyin ay ku doonanaysay hanti Soomaaliya u taalla bangiyo, iyadoo ka faa’iidaysanaysay aqoonsigii dowladdu heshay kaddib dhammaadkii ku meelgaarka 2012kii.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa 2013kii ugu baaqay dowladaha haya hanti Soomaaliyeed inaysan u oggolaanin dowladda federaalka soo qaadashada hanti Soomaali wadaagto.

© Puntland Post, 2022