Wasiir ka tirsan dowladda Talyaaniga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan, ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi wadaagga, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen dhowr arrimood oo muhiimad u leh labada dhinac, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta ku qaabilay Caasimadda Muqdisho , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Mudane Luigi Di Maio, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo iyo siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi wadaagga, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen dhowr arrimood oo muhiimad u leh labada dhinac” aya lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa la raaciyay “Talyaaniga waa saaxiib istiraatiiji oo Soomaaliya ay leedahay, kalana dhexeeyo arrimo dhowr ah oo ahmiyad leh, waxaana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga dhinac kasta oo nacfi wadaag u ah labada dal”.

PUNTLAND POST