War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Waxaa la soo gabagabeeyay shir labo maalmood magaalada Muqdisho uga socday Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.

Goluhah Wadatashiga Qaran ayaa isla meel dhigay arrimaha hortabinta leh ee u baahan wada-xaajood siyaasaadeed ee horyaala muddo xileedkan cusub 2022 – 2026.

Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen qodobada soo socda:

DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa iyagoo tixraacayo lifaaqa heshiiskii 27 Maajo 2021 ee dhameystirka dhismaha sowladnimada Soomaaliya waxay isku raaceen in diiradda la saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arrimaha soo socda:

1. Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

2. Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.

3. Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.

4. Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimada.

5. Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

6. Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada.

7. Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.

XAALADDA ABAARAHA

Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa.

Wuxuu Goluhu ku baaqay in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan, isla markaana shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.

PUNTLAND POST