Puntland oo bilowday xallinta Shaqaaqo ka dhacday degaanka Xera-jaalle ee Gobolka Mudug

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ahna ku Simaha Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo ay Wehlinayaan Guddoomiyaasha Degmooyinka Galdogob iyo Gaalkacyo, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta Gobolka ayaa gaaray Deegaanka Xero Jaalle oo ay ka dhacday Shaqaaqo ka dhalatay Khilaaf la xiriira arrimaha Deegaameynta Dhulka.

Meesha Shaqaaqada ka dhacay oo ah dhul Miyi ah balse la isku qabtay Deegaamayntiisa ayaa Madaxdii Dowladda ee halkaa tagay ka kaxeeyeen Meleeshiyaadkii goobta isku rasaaseeyay waxaana Goobta lageeyay Ciidamo Boolis ah oo ilaalinaya ilaa inta Xal rasmi ah laga gaarayo.

Wafdiga Dowladda ayaa kulamo la qaatay Odayaasha labada dhinac waxaana lagu balamay in si deg deg ah arrintan loo xaliyo Dowladduna garwadeen ka ahaato Xalinta Mushkiladdaan soo noqnoqoday.

Dowladda Puntland ayaa horay u mamnuucay inaan wax Deegaamayn cusub ah la samayn karin ciddi la timaadana Tallaabo Sharci ah laga qaadayo.

PUNTLAND POST