Madaxweynaha Somaliland oo ku wajahan magaalada Ceerigaabo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa doonaya in uu wada-hadal la furo hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta Beesha Warsangeli ee degta dhulka ugu ballaaran Gobolka Sanaag.

Wararku waxay sheegayaan in Wada-hadalkaas uu ka dhici doono magaalada Ceerigaabo inkastoo aan weli faahfaahin laga helin qodobada ay si gaar ah uga wada-hadlayaan labada dhinac.

Dhowaan sidoo kale waxaa Ceerigaabo lagu qabtay shir u gaar ah Beesha oo sida la sheegay ay ka qayb-galeen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta qaarkood.

PUNTLAND POST