Kenya kama samrin “Jubaland”

W.Q. D. H. Isxaaq

Laba sano ka hor saxafi u shaqeeya Daily Nation ayaa qoray maqaal taariikh u eke ah oo uu ku soo bandhigay taariikh been ah. Cinwaanka maqaalka (Sida Kenya u lumisay Jubaland heshiis Ingiriis iyo Talyaani dhexmaray awgiis), wuxuu bannaanka soo dhigay damaca Kenya oo gebi ahaanba ku salaysan ka soo kabasho la’aanta burburkii dowladnimada Soomaaliya.

Khariidad muujinaysa dhulka Britishku xukumi jiray (Dhulkii Biritishka Bariga Afrika). isha: Library of Congress.

Kenya 2011 iyo 2012kii ayay ciidammo u soo dirtay Soomaaliya iyadoo ku andacoonaysay inay iska difaacayso Al-shabaab. Waxaa Kenya taageeray (1) awooddarrida Soomaaliya iyo (2) Al-shabaab oo Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay urur argagixiso. Kenya ciidankeedu wuxuu markii dambe ka mid noqday ciidammada nabad-ilaalinta Afrikaanka.

Isburburin

Soomaaliya waa dal ku tiirsan ciidammo shisheeye qaarkood dano istaraajiyadeed (dhul ama bad) ka leeyihiin Soomaalida. Muqdisho waa magaalada xuddunta u ah burburka sii socda waayo waa xarunta dowlad taageersan in yaboohii Soomaaliya dib loogu dhisi kari lahaa loo leexiyo maalgelinta ciidammada nabad-ilaalinta Afrikaanka.

Boobkii iyo barakicintii Xamar ka dhacay sagaashameeyadii wuxuu wiiqay dareenka dal-jaceyl ee Soomaalida oo hadda u kala dheereysa shisheeyaha danaha ka leh Soomaaliya.

Caasimad waxaa la barbardhigaa muraayad. Haddii muraayadda la isku eegayo burbursan tahay muuqaalka kuu muuqda ma jeclaysanaysid. Muqdisho burburka gaaray wuu ka qotodheer yahay kan gaaray dhismayaasha caasimadda — waxaa burburay dareenkii isu damqashada oo ku salaysnaa ilaalinta xaqa muwaaddinka Soomaaliyeed (hanti iyo naf).

Kenya marnaba ma yeelanin Jubada Hoose ka sokow beenta Daily Nation fidinayso.

La yaab ma aha in Kenya ay maanta ku riyoonayso la wareegista Jubbada Hoose. Maxay doodda maqaalka uu ninka reer Kenya qoray u qaldan tahay? Dhowr sababood. 1- Kenya dal jira ma ahayn markii labada dal heshiiska “Jubaland” galeen. 2- “Jubaland” wuxuu ahaa ilaa haddana yahay dhul Soomaali ku noo nooshahay. Waa dhul gumeyste ku habsaday boqol iyo dhowr sano ka hor kuna dhowaa juqraafi ahaan Kenya Colony (mustacmaraddii Kenya). Qoruhu meesha uu dhaliili ahaa in heshiiskaasi la mid ahaa kii Afrika lagu qaybsaday ayuu ku dooday inuu ahaa mid Kenya dhul ay leedahay lagu siiyay Talyaaniga. Markuu diiday xaqa Soomaalida ayuu qoruhu taageeray awoodda gumeysiga.

Kenya kuma dhiirran lahayn inay si dadban u sheegato Jubaland haddii magaca maamul federaaleedka uu Axmed Madoobe hoggaamiyo ka duwanaan lahaa Jubaland. Dadka Jubaland u yaqaanna Maayland baa iyagoo aan isogeyn taageeraya doodda Kenya gaar ahaan markay leeyihiin “Axmed Madoobe waa reer Jigjiga”. Dhulka hadda Jubaland loo yaqaan gaar ahaan Jubaland Hoose waxaa maqaal 1913kii ku soo baxay The Geographical Journal qoray qoraal muujiyay beelaha dhulkaaas ku noolaa boqol sano ka hor. Taageerayaasha Maayland waxay taageerayaan doodda qoraha reer Kenya. Inta Soomaali ay isku maqan tahay waa lagu maqan yahay.