Maxaa looga hadlayaa shirka Madasha Wadatashiga Qaran?

Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka furmay shir ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh ee dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa shirka ku faaqidi doona dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweyanaha Puntland Siciid Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Waa shirkii ugu horreyay oo ay yeeshaan madaxda Madasha Wadatashiga Qaran tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST