Siciid Jaamac Xuseen oo London ku geeriyooday

1995kii ayuu Siciid Jaamac Xuseen qoray curis saameyn weyn yeeshsay oo uu isku weyddiiyay in Af Soomaaligu jiri doono boqol sano kaddib.

London (Wararka PP) — Siciid Jaamac Xuseen oo ahaa qoraa Soomaaliyeed caan ku ah curisyada, sheekooyinka gaagaaban iyo suugaanta dal-mareenka ayaa habeen hore ku geeriyooday London.

Siciid wuxuu 1940kii ku dhashay miyiga Ceerigaabo. Waxbarashadiidii dugsiga hoose iyo sare wuxuu ku soo qaatay Cadan halkaas oo uu ka soo tagay bartamihii lixdamaadkii, kuna biiray shaqaalaha dowladda ee dowladihii rayidka ahaa ee Soomaaliya. Markii uu milatarigu qabsaday talada Soomaaliya Siciid waxaa loo magacaabay madaxii xafiiskii xiriirka dadweynaha (PRO), halkaas uu ka shaqaynayay ka hor inta aan xabsiga loo taxaabin.

Siciid Jaamac Xuseen (bidix) iyo Rashiid Sheekh Cabdillaahi.

Dabayaaqadii toddobaatanaadkii ayuu ka soo goostay dowladdii kacaanka kuna soo biiray xoogaggii mucaaradka ahaa oo fadhigoodu Itoobiya ahaa. Wuxuu hoggaaminayay Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliya ka hor inta aan loo dooranin Guddoomiye ku xigeenka ururkii SSDF oo uu Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed guddoomiye u ahaa.

Markii SSDF ay kala daadatay ayuu Siciid Jaamac u haajiray dalkii la oran jiray Yementa Koonfureed oo ay Cadan caasimad u ahayd. Xilligaas waxaa Yementa Koonfureed madax ka ahaa rag ay arday soo wada ahaayeen Cali Naasir, Cabdulfataax Ismaaciil iyo Cali Saalim Albeed. Siciid oo ku magacdheeraa Kucmadi wuxuu ku barbaaray degmada Crater oo Soomaalidu u taqaan Cadan Weyn.

Siciid Jaamac Xuseen oo bixinaya cashar ku saabsan tiraabta af Soomaaliga.

Cadan wuxuu Siciid Jaamac ku caawiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo siddeetamaadkii ku biiray kulliyadaha Jaamacadda Cadan. Waxaa ka mid ahaa dadka ay aad iskugu dhowaayeen xirfad iyo adduun-arag ahaan qoraagii Maxamed Daahir Afrax oo sanadkii hore London ku allaystay. Siciid Jaamac Xuseen wuxuu qoray sheekooyin gaagaaban, curisyo iyo qormooyin ku saabsan suugaanta dal-mareenka (travelogue).

Hab qoraalkiisu wuxuu noqday mid ay qoreyaal badani ka shidaal-qaataan. Wuxuu tarjumay sheekooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay sheeko uu qoray Nasiim Hikmet, qoraa Turki ahaa. Wuxuu kale oo tarjumay qaar ka mid ah sheekooyinka qoraagii Ruushka ahaa Anton Chekhov. 1995kii ayuu qoray curis saameyn weyn yeeshay oo uu isku weyddiiyay in Af Soomaaligu jiri doono boqol sano kaddib. Isla sanadkaas ayuu curiskaas ku soo bandhigay Toddobaadka Soomaalida oo ay Oxford House (Bariga London ) soo abaabushay.

Qaar ka mid ah buugagga Siciid Jaamac Xuseen qoray ama tarjumay.

Siciid wuxuu mar ahaa guddoomiye ku xigeenka ururka qorayaasha Soomaaliyeed (Somali Pen). Wuxuu bixin jiray casharro ku saabsan hab qoraalka tiraabta. Dadku waxay ku tilmaami jireen Siciid Jaamac qof leh dulqaad iyo madaxbannnaani uu ku kasbaday qaddarin iyo xusuus aan duugoobaynin oo u hayaan dadka ay isbarteen ama qormooyinkiisu soo jiteen.

Marxuum Siciid Jaamac Xuseen wuxuu ifka kaga tagay qoys iyo carruur, isaga oo aan welwel ka qabin in jiilalka dambe ay halkaas ka sii wadi doonaan kobcinta afka hooyo.

© Puntland Post, 2022