Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday, todoba kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad xeebta Boosaaso ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Puntland.
Wararku waxay sheegayaan, in isku dhacaas uu dhexmaray ciidanka PSF iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Gobolka Bari.
Khasaaraha ayaa lagu sheegay Dhimashada 2 Askari oo booliis ah, dhawaca askari ka tirsan PSF iyo dhaawaca 6 qof oo rayid ah.
Dhinacyada midna weli kama hadlin sababta keentay isku dhaca labada ciidan oo ka wada tirsan laamaha Amniga Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.