Uhuru Kenyatta, Abiy Ahmed, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mustafa Madbuuli oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Masar Mustafa Madbuuli ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhawaayay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Afrika ee soo gaartay Muqdisho ayaa ka qeybgalaysa caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dhacaysa.

PUNTLAND POST