Soomaaliya oo Hindiya ugu baaqday in ay raalli-gelin ka bixiso Aflagaadada Nebi Maxamed

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay haweeney ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Hindiya, taas oo aflagaaddaysay nebi Muxamed.

Wasiirka diinta iyo awqaafka Soomaaliya, Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay falkaas.

“Waa in si degdeg ah dowladda Hindiya arrintaan ay raalli uga bixisaa. Waa in ay sharciga waafijisaa shakhsiyaadka xumahaas gestay, laguma qanci karo in la yiraahdo: xilkaan ka qaadnay”, ayuu yiri wasiirka

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay howllan tahay sidii ay jawaab ku habboon uga bixin lahayd aflagaadada loo geystay Nebiga.

Wasiirka Diinta ayaa sheegay in Soomaaliya soo dhoweynayso falcelinta dalalka Islaamka, kuwaas oo si weyn uga dhiidhiyay aflagaadaynta Nebiga islamarkaana safiiradahoodii si degdeg ugala soo noqday Hindia.

Xisbiga talada dalka Hindia ee BJP ayaa shaqada ka joojiyay haweeneyda ku kacday falkan. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaadada ah.

PUNTLAND POST