Somaliland oo rasaas u adeegsatay dad mudaharaad ka dhigay Hargeysa

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa rasaas u adeegsaday mudaharaad maanta ka dhacay magaalada Hargeysa, oo ay soo abaabuleen mucaaradka.

Dhawr qof oo ay siyaasiyiin ku jiraan ayaa ku dhaawacmay rasaasta, sidoo kale ciidamada Booliiska Somaliland waxay xasbiga u taxaabeen dhawr siyaasi oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka.

Siyaasiyiinta dhaawacmay waxaa ka mid ah xildhibaan Barkhad Batuun iyo Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Waddani.

Mudaharaadka Hargeysa ayaa looga soo horjeeday muddo korarsi la sheegay in uu damacsan yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo furitaanka ururada siyaasadda.

PUNTLAND POST